Mid kamid ah dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood oo geeriyooday

Mid kamid ah dadkii ay Somaliland maalmo kahor kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ku geeriyooday Magaalada Gaalkacyo.

Qofka geeriyooday oo ahaa Odey 40 sanno jir ah oo uu haayay Xanuun ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Puntland, waxaana dhaqaatiirta Caafimaadka ay sheegeen in Odeyga uu u dhintay Cudurka  COVID-19.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa tilmaamay in Marxuumka markii hore uu difaaca jirkiisa wax gaarsiiyay safarkii dheera ee uu ku yimid Magaalada Gaalkacyo, kadib markii uu kamid ahaa dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dadka lasoo masaafuriyey oo isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal da’ ah ee ku sugan Gaalkacyo ay xiligaan wajahayaan xannuuno iyo nafaqo darro.

323 ruux oo shalay laga helay COVID-19 guud ahaan Soomaaliya, 48 ruux oo ka mid ah waxaa laga diiwaangaliyay Puntland, sida lagu sheegay Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor