Mid ka mid ah Dowladaha horumaray oo balaayiin doollar ku maalgashanaysa Dekadda Berbera

Dowladda Ingiriiska ayaa Maalgashi ku sameyn doonta Dekadda Berbera ee Somaliland, waxaana sida xogo hoose ay sheegayaan  Boqortooyada UK ay maaligalinta la kaashan doontaa shirkado kale oo Caalami ah.

Sida xogtu ay tilmaamayso Dowladda UK ayaa  in ka badan 1.7bilyan oo dollar waxaa ay ku maalgalin doontaa Dekadda weyn ee Magaalada Berbera, iyadoo haatan ay Dekadaaadi ay gacanta ku hayso Shirkad laga leeyahay Imaaraadka carabta.

UK ayaa sidoo kale waxaa ay Maalgalin ay ku baxayso cadad tiro badan oo lacag ah waxaa ay ka sameyn doonta ku dhawaad Seddex Dekadood oo dhaca Qaaraddan Afrika, waxaana sida qorshuhu yahay ay ku sameyn doontaa horumarin dhinacyo kaladuwan ah.

Dekadaha dhaca Afrika ee ay doonayso Dowladda UK in ay maalgashato waxaa ka mid ah: Dekadda Mahaalada Dakar dalka Senegal, Sokhna oo ku taal xeebta Badda Cas ee Masar iyo Dekeda Berbera  ee Somaliland.

Mashruuca Maalgalinta ah ee UK ay ku sameynayso Dekadahaasi ayaa waxaa ay la kaashan doontaa sida xogtu sheegayso, DP World oo ah maamulaha dekedahan, taasi oo  fadhigeedu yahay Dubai Imaaraadka Carabta.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor