Meydka Dhakhtar Soomaali la gowracay oo laga helay Isbitaal ku yaalla dalka Pakistan

Dhakhtar Soomaali ah ayaa meydkiisa laga helay, isagoo la gowracay musqul ku taal qaybta ay dhakhaatiirtu deggan yihiin ee isbitaalka Nishtar Hospital,oo ku yaalla magaalada Multan ee Dalka Pakistan, sida uu baahiyay wargeyska maxalliga ah ee Dawn oo xigannaya Booliiska.

Dhakhtarka ayaa si arxan-darro ah loo dilay , waxaa magaciisa lagu soo koobay  Dr. Cabdiraxmaan, isagoo halkaa u joogay barashada qalliinka ee Jaamacadda Isbitaalka.

Allaha u naxariistee dhakhtarka Soomaaliga ahaa ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in xilliga falka loo geysanayey uu isku diyaarinayey qeybta koowaad ee qalliin tijaabo ah oo uu sameyn lahaa.

Booliska oo labo qof dilkan u xiray, ayaa ku sheegay qofka ay tuhunka u weyn ka qabaan inuu yahay dhakhtar kale oo Soomaali ah Dr. Abdul Azizi, oo ay wada degganayeen qolka lambarka 17 ,

Madaxa Booliska magaalada Multan, Khurrum Shehzad Haider ayaa sheegay wareysi ay ninkan la yeesheen in su’aallo is dhaafsan u sheegay , marka ay baaritaannada dilkan oo uu ku sheegay  inay ballaariyeen su’aallana laga waydiin doono dhakhaatiir kale la soo dhammeystiro inay shaacin doonaan natiijada.