Maxkamadeynta dadkii dilay Thomas Sankara oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay maxakmadeyn maanta lagu waday inay ka bilaabato dalka Burkina Faso, taas oo lagu maxkamadeyn lahaa 14 nin oo lagu eedeeyay inay dileen madaxweynihii hore ee dalkaas.

labo ka mid ah xeerbeegtida ayaa isaga baxay maxkamadeynta, iyagoo sabbata ku sheegay xaalado caafimaad.

Thomas Sankara ayaa la yimid isbeddello wuxuuna u ololeynayay midnimada dalalka Afrika.

Waxaa la toogtay xilli afgembi lagu sameeyay dowoladdiisa sanadkii 1987, waxaana markaas xukunka la wareegay saaxiibkiisii, Blaise Compaoré. Ka sowkow madaxweynihii hore, Compaore, dadka kale ee dacwadda lagu soo oogayo waxaa ka mid ah madaxii hore ee shaqaalaha, Janaraal Gilbert Diendéré iyo Hyacinthe Kafondo, oo ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada Compaore

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor