Maxkamadda Somaliland oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxkamadda Ciidamada Milateriga Maamulka Somaliland ayaa xukun ku riday  Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga Somailand oo lagu eedeeyay inuu horey si bareer ah dil ugu geystay qof shacab ah.

Askariga ayaa waxaa la sheegay inuu qof shacab ah oo ahaa Macalin Iskuul uu ku dilay Magaalada Gabiley ee deegaanada Somaliland, isla markaana falkaas kadib ay soo qabteen Ciidanka Booliska oo xiray.

Maxkamadda Ciidamada Milateriga ayaa waxaa la horgeeyay cadeymo la xiriira kiiska lagu helay Askariga, iyadoona la tilmaamay in qoyska Ninka laga dilay ay dalbadeen in sharciga la marsiiyo Askariga.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Milateriga Maamulka Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Askariga dilay Ninka oo kamid ahaa Macallimiinta dugsiyada Magaalada Gabiley ee deegaanada Somaliland.

Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa horey xukuno kala duwan oo isugu jiray dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ku riday Askar ka tirsan Maamulkooda oo falal kala duwan ka geystay halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor