Maxkamadda Kowaad ee Ciidamada qalabka sida oo dil ku fulisay Askari dil gaystay

Maxkamada Kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa  dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda ooharay u dilay dad shacab ah.

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa si gaar ah waxaa uu uga tirsanaa Ciidanka Dowladda gaar ahaan NISA, waxaana horay gacanta ugu dhigay Ciidanka Dowladda.

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa lagu Magacaaba Maxamed Cali Xuseen, waxaana bishii lasoo dhaafay uu degmada Baladxaawo dil ugu gaystay labo Wiil oo dhalinyaro ah.

Dilka ayaa lagu fuliyay Goob fagaare ah, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen ehelada dhalinyardii la dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor