Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday milkiilaha Hey’adda Sahan Reseach

Maxkamadda Gobolkani Banaadir ayaa xukun ku ridday milkiilaha Hey’adda Sahan Reseach, kadib dambi lagu helay isaga iyo hay’addiisaba.

Matt Brydan oo ah milkiilaha Hey’adda Sahan Reseach ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafi jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamaddu maanta ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya, kadib markii lagu helay dambiyo culus oo Qatar kun ah sirta qaran.

Matt Brydan oo ah milkiilaha Hey’adda Sahan Reseach ayaa horay waxaa Xeer ilaalintu ay ugu soo oogtay dambi ah in uu faafin jiray sirta qaranka, iyadoo sidoo kalena hay’addiisa la sheegay in ay Qatar ku tahay dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala hay’ado laga leeyhy waddamo shisheeye, kuwaasi oo la sheego in qaarkood ay Qatar ku yihiin sirta qaranka, inkastoo haatan  xukun shan sano ah lagu riday Milkiilaha Sahan Research.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor