Maxkamadda gobalka Mudug  oo xukuno ku riday dhalinyaro

Maxkamada darajada kowaad ee gobalka Mudug  ee maamulka Puntland ayaa soo Afmeertay Dhageysiga dacwad loo heystay shan eedaysane oo dhalinyaro ah,  taas oo aheyd  kiisas   la xariirta dhaca  shacabka iyo dhibaatooyin loo geystay  gabar Soomaaliyeed.

Kadib soo jeedinta xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobalka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa waxaa xukunka Maxkamadda ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Darajada koowaad ee Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Puntland,  Ciise Cabdi Daahir  xirsi, iyadoo maxkamadu ay ku xukuntay xukuno kala duwan shanta eedeeysane ee maxkamada la horkeenay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor