Maxkamadda Derejada koowaad ee gobolka Mudug oo dil toogasho ah ku xukuntay Rag kufsaday Wiil 13 jir ah

Maxkamadda Derejada koowaad ee gobolka Mudug ayaa dil Toogasho ah ku xukuntay saddex nin oo lagu eedeeyey in ay faro-xumeeyeen wiil yar oo 13 jir ah.

Eedaysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa: Xuseen Shaamil Maxamed, Sakariye Cabdiraxmaan Maxamed iyo Bishaar Maxamed Cali, waxaana lagu eedeeyay in ay faraxumeeyeen Wiil aad u da’ayar.

Maxkamadda ayaa u fariisatay Dacawadda, waxaana caddeymo iyo marqatiyaal kadib ku dhawaaqay xukunka Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada koowaad ee gobolka Mudug Cabdinaasir Maxamed Cali, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor