Rag ka tirsan Al-Shabaab oo la hor geeyay maxkamadda Ciidamada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay Maxkamdeenta eedeysanayaal  la sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana kuwaasi oo maanta lasoo taagay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.

Labada eedeysane ayaa lagu kala magacaaba Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muuddeey, waxaana lagu eedeyay in ay dilal kala duwan ka fuliyeen Madaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo eedeeyay  in degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ay ku kala dileen Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamuud.

Ciidanka ammaanka ayaa ku guuleystay in ay midna dhaawacaan midna Qabtan,iyadoo falkaasi uu dhacay sanadkii hore.

Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa qirtay in uu dilka gaystay,halka midka kalena uu dafiray dambiga lagu soo eedeyay ee ah in uu ku lug lahaa dilka  Marxuuminta  kala ah  Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamuud.

Guddoomiyaha  Maxamadda darajada Koobaad ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Dacwadda, waxaana uu sheegay in Maxkamaddu ay go’aan kasoo gaari doonto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media