Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil togasha ah ku xukuntay dhalinyaro

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukunno ku riday dhalinyaro la sheegay in ay ka tirsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwasi oo siyaabo kala duwan looga soo qabtay degaanada Maamulkaasi.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dil togasha ah ku xukuntay sideed ka mid ah dhalinyarada Maxkamadda la horgeeyay, kuwaasi oo markii hore tiradoodad guud ay ahayd 24, waxaana la sheegay dhalinyaradaasi lagu helay  kamid ahaanshaha  Al-shabaab isla markaana magalada galkacyo ay ka fuliyeen dilal.

Guddoomiayaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Cabdi ladiif Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradaasi lagu soo qabtay howgallo kala duwan, waxaana uu sheegay in baaritaanno dheeraad ah ay ku sameeyeen, ayna sideed ka mid ah ay ku heleen dambigii lagu soo eedeeyay oo ahaa shabaabnimo.

Degaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo falal qaraxyo u badan, waxaana inta badan lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi iyo Ciidanka amniga, waxaana falalkaasi intooda badan sheegta dagaalamayaaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor