Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Taliyihii Hore ee Danab

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo ahaa taliyaha Ciidanka Danab ayaa dib loogu celiyay xorriyaddiisa, waxaana in muddo ah uu ku xirnaa Magaalada Muqdisho, waxaana jiray eedeymo culus oo loo jeediyay Taliyaha.

Maxkamadda Ciidamada ayaa  Xorriyadiisa Dib ugu Celisay Gaashaanlaha, waxaana lagu waaayay wax caddeymo ah oo muujinaya dambiga lagu soo eedeyay Gaashaanle Cabdi maalik.

Horay waxaa loogu sopo eedeyay Ismaaciil ku tagri fal hub ay Ciidamada Gaarka ah ee Danab ay Al-shabaab ka furteen, waxaana jiray in Odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanno ku dhaw Taliyaha ay sheegen in si gaar ah uu ugu xiray yahay Maadxweyne farmaajo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku guuleysan waayay in ay Cadeyma ku filan u keenaan Wax is daba Marinta iyo Isticmaalka Awoodo Farsamo oo aysan Taliska Xoogga Dalka la ogeyn Taliyihii hore ee Danab.

Waxaana jirtay in Xilka laga Qaaday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik intii uu xirnaa, waxaana la magacaabay Taliye kale oo hadda ah taliyaha Ciidanka Danab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media