Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun ku riday Rag ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday eedeeysanayaan ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda u dhageysatay eeda loo heystay.

Ragga xukunka lagu riday ayaa waxaa ay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dileen 13-kii bishii November sanadkii tegay 2019 saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Cabdullaahi Buule Kamey ayaa todobaadkii horey Maxkamadda ka dalbaday in Cumar Aadan Maxamed oo loo yaqaano Zakariye iyo Cabdulle Axmed Muudey oo loo yaqaano Cabdiwaaxid lagu rido xun dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyay in raggaas ay qirteen inay dilay dileen Saraakiil lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsan dowladda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Nuute ayaa ku dhawaaqay in raggaas lagu diray xukun dil toogasho ah, waxaana uu sii raaciyey hadalkiisa in cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda uu u furan yahay racfaan.

Ciidanka amniga dowladda Federaalka ayaa dhaawac u geystay eedeysane Cabdulle Axmed Muudey, kadib markii uu isku dayay inuu baxsado markii uu dilka geystay, isla markaana markii dambe la qabtay, lagana daaweyey dhaawacii soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media