Maxkamadda Ciidamada oo Digniin adag u dirtay Askarta dhibaateysa shacabka

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 27-aad G/le Maxamed Amiin Cabdulle ayaa uga digay ciidamada inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah, isagoo sharaxay hanaanka ay u maareeyaan dembiyada ay galaan ciidamada qalabka sida.

Guddoomiye Maxamed Amiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay inay jiraan Askar tirro yar oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo xiliyada qaarkood falal dil ah ama dhibaato kale u geysta dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha Maxkamadda in Askarta geysata falalka lagu dhibaateeto shacabka ay yihiin kuwo Isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, isagoona sheegay in la Maxkamadeynayo Askari dila qof shacab ah ama dhibaato kale u geysta.

Guddoomiye Maxamed Amiin ayaa wuxuu intaas kusii daray in Qodobo ay soo saareen Akarta dadka disha ee baxsata, waxaana uu sheegay in marka hore la soo xirayo Taliyaha uu hoostagayo Askariga falka geysta, kadibna Askariga la soo qabanayo, sidaasina sharciga lagu horgeynayo.

Digniinta uu Askarta u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 27-aad ayaa kusoo aaday, iyada oo dhawaan Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda oo dhawaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dilay rag dhalinyaro ah oo ku sugnaa Garoon kubadda Cagta.

Si kastaba, Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xiliyada qaarkood si bareer u dila dadka shacabka ah ee aan waxba ka galabsan, waxaana dhawaan Ciidamo ka tirsan dowladda ay Magaalada Muqdisho ku dileen Rag iyo Gabdho dhalinyaro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor