Maxkamada CQS oo xukun ku riday Rag Lacago ku qaadi jiray magaca Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo lagu helay dembi ah in ay dadka lacag kaga qaadi jireen magaca Al-shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen Bixinta lacagaha ay Al-shabaab ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor