Maxkamada Ciiidamada qalabka sida oo u fariisatay dacwadda Askari ku eedeysan dil

Maxkamada ciiidamada qalabka sida ee qaybta Galmudug ayaa maanta u fadhiisatay gar-maqalka dacwad ciqaabeed dil ah oo uu ku eedeeysnaa dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka tirsan ciidanka booliiska degmada Matabaan kuna eedeeysan dil Matabaan loogu geystay 30/4/2021 marxuum lagu magacaabi jiray ex dable Booliis sharmaake Cilmi Maxamuud.

Daah furka fadhiga maxkamada ayuu gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xasan waydiiyey eedeysanaha jawaabtiisa la xiriirta eeda Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada.

Eedeysane dable Booliis Maxamed Baryare Daahir oo ka jawaabayay waydiinta gudoonka maxkamada ayaa sharaxey sida gacantiisa ugu baxey marxuumka geeriyoodey.

Xeer ilaaliaha maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug G/sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa isna maxkamada ka hor aqriyay eedeeymaha loo heysto dable Booliis Maxamed Baryare Daahir, isagoo dalbadey in in la mariyo ciqaab u dhiganta dambiga lagu soo eedeeyay.

Abuukaate Xalane oo dhankiisa duray habka dacwad oogista xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada ka dalbadey in iyadoo la tixgalinayo qiraalka eedeeysanaha iyo qaabka uu u dhacay dilka uu geystay loo fududeeyo ciqaabta.

Gunaanadka garmaqalka ayaa gudoomiyaha maxamada ciidamada qalabka sida ee qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdulaahi Abuukar Xasan oo xiray fadhigan maxkamada, isagoo ku dhawaaqey go’aanka gungaarka dacwada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor