Maxkamada Ciidamada oo xukuntay Nin lagu eedeeyey farsameynta Qaraxyada

Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.

Eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni ayaa ka soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraha Qandala oo dhexmaray Maamul Gobolleedka Puntland iyo Kooxda Daacish oo uu ka tirsanaa,sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamada.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo.

Ciidamada Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidamada daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor