Maxkamad xukun ku riday askari Ruush ah oo qof rayid ah ku dilay Ukriane

Maxkamad ku taalla dalka Ukraine ayaa xabsi daa’in ku xukuntay taliyihii ciidamada Ruushka u qaabilsanaa taangiyada kadib markii lagu helay dambi ah in qof rayid ah uu ku dilay dalkaas.

Waana maxkamadeyntii ugu horreysay ee ku saabsan dambiyada dagaalka ee ka dhacay Ukriane tan iyo duullaankii uu Ruushka ku qaaday halkaas.

Askarigan oo lagu magacaabo Sgt Vadim Shishimarin ayaa lagu helay danbi ah in uu dilay Oleksandr Shelipov, oo 62 jir ahaa xilli uu ku sugnaa tuulada waqooyi bari dhacda ee Chupakhivka 28-dii bishii Febraayo.

Wuxuu qirtay in uu toogtay Shelipov balse waxa uu sheegay in uu hoggaansamayay amar, waxa uuna cafis weydiistay xaaska uu ka dhintay ninka uu dilay.

Xukuumadda Moscow ayaa beenisay in ciidamadeeda ay beegsadeen dad rayid ah xilliggii uu socday duulaanka halka Ukraine ay sheegtay in laga yaabo in ay dhaceen in ka badan 11,000 oo falal dambiyeed ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor