Maxkamad lasoo taagay Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka DFS

Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa ka bilaabatay dhageysiga Dacwada xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka, kuwaasi oo kal horey loo jeediyay eedeeymo Culus.

Maxkamadda ayaa dhageysaneysa Dacwada 10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana ku eedeeysay arrimo la xiriira Musuq-maasuq, waxaana dadkaas kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumdda Cabdullaahi Xaashi.

Sidoo kale eedeysanayaasha ayaa waxaa ku jira Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buule iyo xubno kale, kuwaasi oo ku lug yeeshay Musuq-maasuqa lacag loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus.

Lacagta la musuq maasqay ee COVID-19 ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay hay’addo Caalami ah, waxaana xiligaas Cudurka uu ahaa si darran ugu sii faafiyay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media