Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti oo xukun ku riday Wasiir iyo taliye hore

Maxkamad ku taalla dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xarig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay Maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xariga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

Waxaa iyaguna mid shan sano oo xarig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle.

Qareennada saraakiisha xakunka lagu ridday oo aan la xiriirnay ayaaney wali suura-gelin inaan helno.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor