Maxay yihiin Wararka is burinaya ee kasoo baxaya guddiga doorashada heer federal?

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in guddiga doorashada heer federal uusan gacan ku heynin boggagii rasmiga ay ku lahaayeen baraha bulshada, sida uu baahiyay Radio Muqdisho.

“Sidaa darteed inta dib loogu soo celinayo guddiga wixii lasoo galiyo ma aha wax guddiga kasoo baxay.”

Waxay u muuqataa in uu khilaaf ka dhex taagan yahay guddiga doorashada dhexdiisa kadib markii dhawaan xubno ka tirsan guddiga ay ku dhawaaqeen in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga heer federal halka guddiga doorashooyinka heer federal uu xaqiijiyay in wax xil ka qaadis ah aan lagu sameyn guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa isla markaana si rasmi ah ay howshooda u wataan.

Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada heer federal ayaa loogu baaqay siyaasiyiinta inay ka fogadaan waxyaabaha kala qeybin kara guddiga isla markaana doorashada la dadajiyo.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor