Maxay yihiin Heshiisyada is-afgaradyada ah ee ay kala Saxiixdeen Somalia iyo Uganda?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo miradhal ah kula yeeshay Madaxtooyada Uganda ee Entebbe, dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Labada Madaxweyne ayaa dhiirrigeliyey qabasoomidda Kulanka Koowaad ee Xubnaha Joogtada ah ee Guddiga Isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Feedraalka Soomaaliya ee booqashadan ku weheliya Madaxweynaha iyo dhiggooda dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyne Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey mowqifka walaaltinimada leh ee dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhankiisa, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyey iyo wada-hadalladan wax-ku-oolka ah, Isagoo ku ammaanay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhabar-adeygga iyo dadaalka ay ku bixinayaan xasilinta dalkooda.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Labada dal oo goob-joog u ahaa heshiisyada iyo is-afgaradyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Uganda, in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta go’aannada iyo talooyinka ka soo baxay Kulankii koowaad ee Guddiga Joogtada ah ee Labada dal, iyo inay sidoo kalena sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaray hirgelintooda, loona sahamiyo dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor