Maxay uga wada hadleen kulankii RW Rooble iyo Maamul Goboleedyada?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa xalay kulan fogaan arag ah qadka ZOOM-ka ku yeeshay.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dardar-galinta Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee bilaabatay oo ay qabteen Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland.

Sidoo kale Madaxda maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland.

Kulankaan dhacay ayaa kusoo beegsaday, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu shalay shaaciyay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddiga ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka.

Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor