Maxay tahay sababta Yuhuuddu uga cararayaan Dalka Ruushka?

Dalka Ruushka, ayaa waxaa isaga cararaya dad aad u tiro badan oo Yuhuud ah, tan iyo markii Ruushku uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Hay’ad ay leeyihiin dadka Yuhuuddu, ayaa ka caawisay in dad badan oo Yuhuudda inay ka tagaan Ruushka, una amba baxaan Israa’iil.

Waxay sheegtay hay’addani in tiro badan oo Ruush ah oo asalkoodu Yahuud yahay ay dalka ka baxeen tan iyo bishii March ee sanadkan. Kumanaan kale ayaa u guuray dalal kale.

Cabsida ay ka qabaan dhibaatooyin horey u dhacay oo taariikhi ah ee ka dhana Yuhuudda, ayaa la rumeysan yahay inay keeneyso qaxa degdega ah, iyo kuwa aan weli bixin, ee ku haminaya inay sidaas sameeyaan.

Magaalada Moscow, ayaa waxaa ka socday dadaal weyn oo lagu horumarinayo bulshada Yuhuudda, tan iyo burburkii nidaamkii Shuuciyadda ee Midowgii Soofiyeeti.