Maxay tahay sababta uu isku casilay Ra’iisul Wasaarihii Sudan Abdalla Hamdok?

Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo xilli ay socdaan dibadbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo xukunka milateriga.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaashu diiddana sida xaal u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday i ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Hamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Sudan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yidhi.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay laba qof Axadii intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida laga soo xigtay guddiga Dhakhaatiirta dhexe ee Suudaan ee taageera dimuqraadiyadda.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dhimashadaas.

Ugu yaraan 56 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadaas tan iyo afgambigii dhacay 25kii Oktoobar 2021, sida ay guddidani baahiyeen

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor