Maxay tahay sababta ka dambeysay Bannaanbixii ka dhacay Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Xalay ka dhacay Bannaanbax ay dhigeen dad caraysan oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Dadka isku soo baxa sameeyay ayaa la sheegay in bannaanbaxoodu uu ahaa mid ay uga soo horjeedeen Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiye Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay ahaayeen dad aad u caraysan oo u badnaa dhallinyaro.

Muuqaallo laga soo duubay dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa muujinayay dadka isku soo baxay oo ku dhawaaqaya Erayo ka dhan ah Taliska Muuse Biixi, waxaana intooda badan isugu soo baxeen Gudaha magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka iyo Magaalada ugu dadka badan Gobolkaasi.

Goobta uu Bannaanbaxu ka socday ayaa waxaa Soo gaaray Ciidanka ammaanka Somaliland, kuwaasi oo kala cayriyay dadkii isku soo baxay, waxaana la soosheegayaa in Ciidanku ay adeegsadeen Rasaas nool nool oo ay ku kala eryeen dadka shacabka ah ee caabshadooda muujinayay.

Mas’uuliyiinta Gobolka wax war ah kama soo saarin Bannaanbaxaasi,balse Magaalada ayaa waxa kusoo badanayay dhawaanahaan dilalka qorsheysan ee loo gaysto xubno ka tirsan maamulka iyo waxgaradka bulshada Reer laascaanood, waxaana sidoo kale shawaan Magaaladaasi iyo magaalooyinka kale laga soo raafay dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya eek u noolaa Gobolkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor