Maxay tahay sababta Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga uusan uga qayb galayn Aaska Boqoraddii UK?

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaan la fileyn inuu ka qeyb galo aaska Boqorad Elizabeth oo dhici doona berri oo Isniin ah, sida laga soo xigtay ilo wareedyo laga helay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda UK.

Xogtaas oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in isbedeladaasi ay sameeyeen Sacuudigu.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa shalay cambaareeyay go’aanka casuumaadda loogu fidiyey Boqor Salmaan si uu ugu qeyb galo aaska Boqoradda Ingiriiska.

Maxamed Bin Salmaan ayaa si weyn u wajahayay eedeymo la xiriira inuu ku lug lahaa dilkii wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashuqji oo dhacay afar sano ka hor.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor