Maxay tahay muhiimadda uu leeyaahy Shirka laga daah furay Magaalada Dhuusamareeb?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug, kaas oo ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta Galmudug.

Shirkan madaxweynuhu uu daahfuray ayaa hordhac u’ah goglo dib-u-heshiisiineed oo la dhigayo degmooyinka Galinsoor iyo Balanbal kuwaas oo lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in ay heshiis dhab ah qaataan beelaha dirirtu dhaxmartay, isagoona xusay in Al-Shabaab ay ka faa’iideesanayso dagaal beeleedyada si ay u dhexmarsadaan danahooda gurracan, sidaas darteedna ay heshiiyaan beelaha, una heshiiyaan argagixisada sida haatanba degmooyinka qaar ee Galmudug ay uga socdaan dadaalada xoogan ee kadhanka ah AlShabaab.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, in si degdeg ah ay u dhigaan gogosha degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor si loo sii anba qaado ka shaqeynta nabadda

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor