Maxay Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia kala hadleen Beesha Caalamka?

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii 4-aad shirweyne u socda ayaa gelinkii dambe ee Maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, kaasi oo ku qabsoomay aalada fogaan araga ah ee loo yaqaano ZOOM-ka.

Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya iyo walaaca darran ay ka qabaan Guddiyada heer federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Beesha Caalamka u sheegay inay ka welwel weyn ka qabaan Doorashada, isla markaana arrintaas ay kala hadli doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa Wakiilada ay kulanka la yeesheen u gudbiyay caqabadaha ku hor gudban doorasho hufan oo dalka ka dhacda, iyagoo dhankooda Wakiilada Beesha Caalamka ka garaabeen mugdiga hareeyay Guddiyadii ee dhawaan la magacaabay.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ay sheegeen inay ka walwalsan yihiin inuu yimaado gacan ka hadal oo ka dhasha Doorashada, isla markaana waxaa Beesha Caalamka si cad ugu sheegeen in marnaba aysan aqbali karin in Guddiyada lagu daro nabadsugid, arrintaasina ay kala hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa weli uga socda shirweyne galay maalintii afaraad, waxaana lagu waday in Maanta lasoo gaba-gabeeyo, hayeeshee waxaa la shaaciyay in maalinta berri ah lasoo gaba-gabeyn doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media