Maxay ka wada hadleen Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo dhigiisa Turkiga?

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga mudane Beker Sahin.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda dawladda FS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa looga wada hadlay sidii Turkiga iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen xoojinta hay’adaha garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay in hay’adaha cadaaladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageeraan tababarada hawlwadeenada cadaaladda, sida xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha, taas oo Soomaaliya ku caawinaysa ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka cadaalad wax ku ool ah.

“Turkigu waa wehel istiraatiiji ah oo saaxiib la ah dalkeena” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media