Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Guddoonka Aqalka Sare?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Aqalka Sare dedaalka ay ugu jiraan sidii loo heli lahaa watashi ballaaran oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleeyada.

Waxa ay sidoo kale iska waraysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan iyo wadatashiyada quseeya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa Xassan Shiekh Maxamuud uga mahadceliyey tageerada iyo talooyinka muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media