Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia iyo Safiirka Shiinaha?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, FEI Shengchao,

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Danjiraha Shiinaha looga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga labada Dal.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee Labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dowrka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor