Maxay ka wada hadleen Shariif Sheikh Axmed iyo Safiirka Norway u jooga Somalia?

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka  Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah uu la yeeshay Safiirka dowladda Norway u jooga Somalia Elin Bergithe Rognlie.

Kulanka dhexmaray Shariif Sheikh Axmed iyo Safiirka dowladda Norway u jooga Somalia Elin Bergithe Rognlie ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, iyo xaaladaha kasoo cusboonaaday arruimaha siyaasadda dalka.

Waxaaan inta kulanku socday si gaar ah diiradda loo saaray  dar dar gelinta doorashada dalka, dhaqan gelinta heshiiska Golaha wada-tashiga  Qaran, isagoo ka mahad celiyey taageerada beesha caalamka gaar ahaan Norway ee ku aaddan Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka  Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xalay kulan laqaatay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan cali kheyre, waxaana ay ka wada hadleen Qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen kuwii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor