Maxay ka wada hadleen  Shariif Sheikh Axmed iyo Cali Guudlaawe?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Musharax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed  ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan doorashooyinka oo ay laabda mas’uukl si gaar ah uga wada hadleen doorashooyinka Goloha shacabka, oo dhawaan si toos ah loo guda gali doono.

Sharriif Sheikh Axmd oo Qoraal soo saaray kadib kulanka ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle uu ahaa mid  ay kaga wada hadleen dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS.

“Waxaan caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo aan ka wada hadalnay dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS. Kulanka waxaa nagu wehliyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Mudane Yuusuf Gama’diid iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ( Ducaale ). Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in  ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota” ayuu yiri Shariif oo Qoraal soo saaray kadib kulanka.