Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Wakiilka Gaarka ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire LIU Yuxi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Yuxi ayaa u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse salaan diirran oo uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, waxaana uu sheegay in dowladda Shiinuhu ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay xiriirka is qaddarinta ku dhisan ee u dhaxeeya labada waddan, waxaana uu uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ay siiso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor