Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi ka socday Sweden?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayey Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden oo maalmahan boqasho ku joogay dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ku saabsan wadashaqeynta caafimaad ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxa uu ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee dalka Sweden.

Khubara ka socotay Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa booqday goob loo asteeyay in loo dhagax dhigo Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya.

Wafdiga ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayey Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa shirar kala duwan la qaatay khubarada Wasaaradda Caafiamadka Soomaaliyeed oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor