Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo talaado ah kulan gaar ah la yeeshay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii uu kiiska Ikraan Tahliil Faarax ku heli lahaa caddaalad, looguna simi lahaa hay’adaha Garsoorka.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta iyon Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Musharaxiinta ayaa isla hadal qaaday inta uu socday kulanka khilaafka xoogan ee ka dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rooble, loona qaboojin lahaa xasaradda.

“Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wada hadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda” ayuu yiri Musharax Madaxweyne CC Shakuur Warsame.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa ka qeyb galay kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Kulankaan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, iyadoona la isku dayay dadaalo lagu xalinayo khilaafka, kuwaasi oo fashil kusoo dhammaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor