Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore ee dalka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay hogyiiga magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cabdiqaasim Salaad, warbixin guud ka siiyay xaaladda siyaasadeed gaar ahaan howlaha doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwa soo socda iyo arrimo kale oo ku aadan dalka.

Rooble ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan uu ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah, isagoo uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odoynimo.

“Waxaan hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo. Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku jooga Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, iyagoo halkaas ka wada kulamo kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor