Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulanka ayaa markiisii hore waxaa uu ahaa Is xog-warraysi, kadibna waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalka uu marayo, tan Galmudug iyo Arrimaha Doorashooyinka dhacaya 2020/2021.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay ka miro dhalinta arrimaha Dib-u-heshiisiinta ee ka sameeyay deegaana Maamulka, dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynihii hore Galmudug ayaa Qoorqoor uga mahadceliyay dadaalkii uu ka qaatay heshiiskii rasmiga ahaa ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen doorashada dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay khamiistii lasoo dhaafay, isagoo in muddo ah ka maqnaa, isla markaana haatan kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media