Maxay ka wada hadleen Mahdi Guuleed iyo Axmed madoobe?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa yeeshay Kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah.

Kulankaayaa ka dhacay hoyga uu Garoowe ka daggan yahay Mahdi Guuleed, waxaana kusoo booqday Axmed Madoobe.

“Waxaa caawa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe)” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar kadib war uu kasoo saaray kulanka dhex-maray isaga  iyo Axmed Madoobe.

Mahdi Guuleed iyo Axmed madoobe ayaa ka qayb galaya Shirka ka socda magaalada Garoowe ee Xarunta  maamulka Puntland, waxaana shirkaasi ka qayb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media