Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mehmet Yılmaz.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Ambassador Mehmet Yılmaz ayaa kulankooda uga wada hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin amniga iyo Doorashooyinka dalka ka dhacaya gaar ahaan doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Labada Mas’uul ayaa waxaa kaloo ka wada hadleen inta uu socday kulanka, wax ka qabashada Fatahaadaha Webiga Shabeelle oo saameyn weyn ku yeeshay boqolaal qoys oo kunool deegaano ka tirsan Maamulka, Maalgashiga deegaanada Hirshabeelle iyo shaqo abuur Dhalinyarada.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Safiirka dowladda Turkiga u jooga Magaalada Muqdisho uga mahadceliyay dadaalada wax tarka leh ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor