Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedja Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka oo gaaray Kismaayo.

Wafdiga waxaa kamid ah Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin  kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Wakiilada Beesha Calaamka sida: James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, Safiirada Sweden iyo Norway iyo xubno kale ayaa maalmo kahor gaaray Magaalada Garoowe, iyagoonka kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor