Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Somalia?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Danjire Per Lindgärde.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka, doorashooyinka dhacaya iyo Go’aanadii maalmo kahor kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Danjire Per Lindgärde, ayaa bogaadiyay go’aanadii kasoo baxay Shirka golaha Wadatashiga qaran iyo habraaca doorashada, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa taageeryso in Soomaaliya ka qabsoonto doorasho hufan oo raali laga wada yahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu wadaa kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlaya doorashooyinka.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Saciid Deni uu dib ugu laabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, halka Madaxweynaha Jubbaland uu isna dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor