Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Xasan Sheikh?

Madaxweynaha DowladGoboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore dowladda Soomaaliya ahna Hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay HSM ayaa si gaar ah loogu llafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wada-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media