Maxay ka wada hadleen C/raxmaan C/shakuur iyo RW Rooble?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay Magaalada muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo ku saaabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid albaabadu xiran yihiin ayaa waxaa uu ka dhacay hoyga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana looga hadlay xaaladaha taagan ee siyaasadda dalka, gaar ahaan waxaa labada mas’uul ay kaga wada hadleen doorashooyinka iyo xaaladdihii ugu danbeeyey ee siyaasadda dalka.

Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kulanka kadib qoraal soo saaray ayaa sheegay in kulanku ahaa mid muhiim ah, oo ay isaga warsadeen arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan kulan la qaatay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan iska warsanay arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka” ayuu ku yiri C/raxmaan C/shakuur qoraal uu soo saaray kulanka kadib.

kulanka Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya, iyadoo xiriirka u dhexeeya madaxweyne farmaajo iyo RW Rooble uu noqday mid aan wanaagsanayn.

Waxaana xukuumaddu ay ka hor timid Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu amray in hay’adaha dowladdu ay shaqooyinkooda sii wadan doonaan, tan iyo inta ay xukuumad kale  ka imaanayso, waxaana taasi ay si cad kaga hor imaanaysaa wareegtadii farmaajo ee lagu joojiyay heshiisyada ay galayso Xukuumadda xilgaarsiintu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor