Maxay ka tiri Wasaaradda Haweenka Dowladda kufsigii ka dhacay Afgooye?

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adeg uga hadashay kufsiga gabdho seddex carruur ah loogu geystay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa lagu sheegay inay uga xun yihiin falka foosha xun ee loo geystay gabdho da’dooda kala tahay seddex jir, afar sano jir, iyo 7 jir, kuwaasi oo ku sugnaa Afgooye.

Waxaa ay sheegtay Wasaaradda in ficilka nuucaas oo kale uu ka hor imaanayo mabaadii’da Islaamka, Dastuurka iyo xeerka Bari ma geydada Soomaaliyeed, iyagoo si xoogan u Cambaareeyay falkaas.

Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka dowladda ayaa Bulshada Soomaaliyeed looga dalbaday in Ciidanka Booliska dowladda kusoo wargeliyaan kiisaska xadgudubka ee la xiriira kufsiga ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Haweenka. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media