Maxay ka tiri Somaliland hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland?

Somaliland ayaa Jawaab ka bixisay hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu uga ka hadlay Shirkii dalka Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Puntland aysan aqoosan doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda Shirkii dhexmaray Somaliland iyo Somaliland, maadaama maamulkiisa uusan ka qeyb gelin shirkaas.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo la hadlay mid kamid ah Telefashinada Afka Soomaaliga ku baxa ayaa waxaa uu sheegay in hadalka Madaxweyne Deni uu muujinayo is bar-bar yaaca iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Wasiir Liibaan Yuusuf in aysan jirin waxba ka dhexeyn Puntland iyo Somaliland, hayeeshee ay deris yihiin oo kaliya, isla markaana waxa ay uga bahaan ay u mari doonaan dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Hal dal oo Soomaaliya la yiraah ayaan naqaanaa, cida aan la xariirnana waa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho, hadalka Deni waxa uu muujinayaa kala isbarbar-yaaca dowladda Soomaaliya ka jira,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka AS/Dibadda Somaliland.

Si kastaba Puntland ayaa qaadacday shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray Jabuuti, kaasi oo uu marti-geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar kale, isla markaana labada dhinac ay uga wada-hadleen arrimo kala duwan.