Maxay ka tiri QM Terminalkii ay xirtay Dowladda Somalia ee Garoonka Muqdisho?

Xafiiska Qaramada  Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiritaankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee Terminalka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay xireen qeybtii ay adeegsan jireen shaqaalaha Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (MOVCON) kadib Codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay si toos ah u qaadaneyso walaac kasta oo ay Dowladda ka muujin karto howlgallada QM waqti kasta, iyagoona caddeeyay inay ka xun yihiin xiritaanka dowladda ee Terminalka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee khuseeya ee ay kala saxiixdeen hay’adaha Qaramada Midoobay, lacagaha, iyo barnaamijyada, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqda iyo Xasaanadda ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii dartay “Waxaan aad uga xunahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin QM si loo ogolaado baaritaan. Wadahadalo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda dowladda Federaalka”

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa xustay inay weli ka go’an iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya iyo inay sii waddo caawinta dadkeeda in kasta oo ay jiraan carqalado dhanka shaqada ah.

Si kastaba Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shaaciyay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee Garoonka, waxaana hay’addaha lagu amray inay wixii hadda ka dambeeya dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor