Maxay ka tiri Qaramada Midoobay Weerarkii Al-shabaab ee Xerada Xalane?

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii loo adeegsaday madaafiicda ee shalay lagu qaaday Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

James Swan ayaa sheegay inuu ka xun yahay weerarkii madaafiicda ee Al-shabaab ku qaadeen Xeralada Xalane oo ay degan yihiin Taliska Ciidanka AMISOM iyo Hay’addaha shisheeye oo ay ku dhaceen ilaa iyo 6 madfac oo laga tuuray meel ku dhow Garoonka.

Waxaa uu Wakiilka Qaramada Midoobay u rajeeyay Caafimaad deg deg ah Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku dhaawacmay weerarka, waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka” ayuu yiri James Swan.

Inta la xaqiijiyay labada Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa ku dhaawacmay weerarka xerada Xalane, isla markaana waxaa madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen xafiisyo oo burbur soo gaaray iyo gaadiid yaallay gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Xerada Xalane, waxaana dhowr jeer oo horey ay weerar ugu qaadeen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor