Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo beeniyay Warar lagu faafiyey Baraha Bulshada

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyey warar sheegayay in xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari laga deyrinayo, lana dhigay Isbitaal, hayeeshee waxaa Wararkaas ka hadlay Prof. Jawaari.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khadka Telefoonka kula hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa u xaqiijiyay inuu Caafimaad qabo oo ay wanaagsan tahay xaaladdiisa Caafimaad, isla markaana wararka la faafiyey ay yihiin kuwo been abuur ah.

Guddoomiye Jawaari oo Codkiisa laga garan karay inuusan darneyn ayaa tilmaamay inuu hargabsanyahay kaliya oo uusan wax kale qabin, uuna Isbitaal u tegay oo kaliya baaritaan, kadibna xaaladdiisa loo sheegay inay wanaagsantahay.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay inay been abuur yihiin wararka laga faafiyey Prof Jawaari, isla markaana uu Caafimaad qabo.

“Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fedederaalka Xil. Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, Isbitaalkana uu u tagay arrimo “check up” ah” ayuu yiri Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux.

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyey warar sheegayay in Maxamedf Sh Cismaan Jawaari xaaladdiisa Caafimaad laga deyrinayo, isla markaana la dhigay Isbitaal, balse Prof Jawaari ayaa shaaciyay inuu Caafimaad qabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor